Waxbarasho badan
Waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxay ku hagtaa awood u yeelashada xirfadle (leh ama aan lahayn shahaadada ganacsiga ama socdaalka). Kadib dhammaysashada waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxaad billaabikartaa shaqo ama inaad qaadato waxbarasho kale:
- Waad qaadan karto waxbarasho saa’id ah oo ah koleej xirfaddeed. waxay dhistaa xirfaddaha ka sarreeya waxbarashada dugsiga sare waxayna bixisaa waxbarasho xirfadeed saa’id ah oo toos loogu isticmaalo in nolosha loogu shaqeeyo.
- Waxaad qaadan kartaa
– kaddib Vg2 ama
– kaddib marka aad ku guulaysto awood yeelayashada xirfadle.
Waxaad fursad u heli inaad qaadato tacliinta sare kuna qaadato kulliyad jaamicadeed ama jaamicad.xusuusnow in barnaamijyada waxbarasho qaarkood, sida injineeriyaddam sayniska iyo barashada caafimaadka, kaaga baahan yihiin inaad haysato maadooyin saynis ah. - Waxaad codsan kartaa ogolaanshaha tacliinta sare kaddib koorsda saa’idka ah ama wadiiqadda Y, wadiiqadda xirfadda ee tacliinta sare. Wadiiqadda Y waxaa loogu talo galay leh khibrad waayo aragnimo xirfadeed. koorsooyinka aasaaska iyo wadiiqadda Y waa kuwa ugu badan ee lagu isticmaalo waxbarashada sayniska iyo injineerriyada.