Maxaa loo baahanyahay in aad ka fikirto codsiga kahor?

Marka aad codsanaysid waxbarashada dugsiga sare iyo tababarka, waxaa haboon in aad tiix galisid fursadaha aad haysato iyo caqabadaha. Waad fikrad fiican inaad ka fikirtid intaadan codsan kahor iyo sidee buu dooqaada u taabanaaya mustaqbalkaada?

Guriga ku noolaw ama ka guur?

Goobta aad ku nooshahay miyaad kaheli kartaa baraamijka aad donayso?haddii aay jawaabtu maya tahay, waa in aad tiix galisaa in aad muda dheer ku qaadani safarada mise in aad jeceshahay in aad iskaaga taktid guriga. Iskoola qaarkood waxaay leeyihiin hoy la seexdo. Safarkaadu haddii uu ka badanyahay sadex saacadood maalinwalbo ama masaafadu aay ka badantahay 40 km waxaa laga yaabaa in aad ka heshid amaah sanduuqa amaahda (Lånekassen).

Waa maxay shuruuda aqbalka?

waay adkaani kartaa in laguu aqbalo barnaamijyada waxbarashada qaarkood. Shardhiga darajada sare ayuu u kici karaa sanad walbo sida aay u codsadaan ardada. Sidaasi aawgeed, waa in aad ogaatid buundada loo baahanyahay barnaamijka aad doonaysid, waxaanad xasuusnaataa in darajada loo baahanyahay aay isbedbadasho sanad ka.

Miyaan samayn karaa ikhtiyaar cusub hadii aan hore u qaldamay?

waxaa laga yaabaa in aad u malaysid in aad samaysay ikhtiyaar laga naxo. Hadii aad ogaatid in aad qalad gashay, waa macquul in aad hal badal samaysid waxaanad helaysaa sanad waxbarasho oo dheeraad ah. Taani waxaay ka micnaysantahay in aad doorani kartid baraamij waxbarasho/ goobta baraamijka mar labaad.

Miyaay sahlantahay in aan helo shaqo markaan dhameeyo waxbarashadeyda?

Baahida shaqaalaha ee shaqooyinka kala duwan sanadbo sandka ka danbe ayaay ka duwantahay. Sidaa darteed, ha dooran xirfad waayo hada ayaay suuqa kujirtaaSidookale, waxbarashadaada yaay ku xirnaanin shaqo helis. uruuri macluumaad kaafi ah oo ku saabsan shaqada loo baahanyahay.

Muda intee la eg baay igu qaadan intaan bilaabin shaqo?

hadii aad doonayso baraamij kuu sahli kara aqbalka jaamacadda, waa in aad tiix galisaa mawaadda teoriga ah. Barnaamijyada waxbarashada guud kuuma horseedi karaan xirfad ama takhasus. Taani waxaay micna u tahay in aay muda kugu qaadanayso helitaanka shaqa.

Maxaan ka filan karaa shaqada, mushaharka iyo nawaaxiga shaqada ?

waxaad la yaabi doontaa in aay macquul taho «helitaanka hore»kadib markii aad shaqaynayse muda dheer. isku day in aad ogaatid fursadaha kujiraan xirfadda ama takhasuska aad dooranaysid. Qof walbo muxuu doonaya mushahar badan laakiin waxaa taasi ka muhiimsan xaaladda shaqada iyo in aad dareensantahay in aad shaqo wanaagsan haysid iyo qaabka aad oogu xasiloon donto shaqada.

Waxaa kale oo aad imtixaan galisaa saacadaha shaqada. Ma safar badan baa jiraa?Wareega shaqada ma yahay mid waafaqsan xirfadda aad jeceshahay? diyaar uma tahay arintaasi?