Maadaama aad arday tahay iskoolka muxuu kaaga baahanyahay?

Ka arday ahaan dhigta waxbarashada dugsiga sare waxaa jiraan nidaamyo aay laazim tahay in aad ku camal fashid. Waxaa laaim ah in aad ogaatid waajibaadkaada ka arday ahaan.

Waajibaadka ku aadan tagidda goobta waxbaridda

Ardayda dugsiyada waxbarasha sare waxaa laga doonaya in aay xaadiraan duruusta oo si firfircoon uga qayb qaataan waxbarashada.

  • Hadii aad ka maqnaatid waxbarashada waxaa laazim ah in aad diiwaangalisid maqnaanshahaada.
  • Maqnaansho aan la diiwaangalin ama aan sax ahayn waxaay ka dhigantahay inaaysan natiijo jirin mawaadda. Nidaamka guud waa in natiija la siin maqnaanshaha ka badan 10 %.
  • Dhamaan maqnaanshaha waxaa lagu qori shahaadada laakiin waxaa laga yaabaa in 10 maalin lagaa nusqaamiyo hadii aad la timaado cudurdaar sajilan oo sax ah.

Ka akhriso faahfaahin nidaamka maqnaanshaha .

Gudbi waraaqaha saxda ah ee maqnaanshaha

Hadii aad ku maqantahay cudurdaar la xiriira xanuun ama sabab la aqbali karo, waxaa muhiim ah in aad gudbisid warqad si uu maqnaanshaha raad ugu yeelan natiijadaada iyo shahaadadaada.

Sababaha maqnaanshaha la aqbali karo waxaa kamid ah:

  • sababa la xiriira caafimaadka iyo daryeelka(sababta caafimaadka waa in aad haaysataa cadayn dhakhtar)
  • u shaqee si masuul lasoo doortay
  • shaqada siyaasadda
  • shaqada degdegga iyo samatabixinta
  • imaanshaha sharciga na faraayo
  • matalaad dhacdooyinka heer qaran ama caalamil (sida ciyaar ama dhaqan)
  • waliimo diini ah oo loogu talagalay dadka aan raacsanayn kaniisadda Norway (ilaa 2 maalmood oo maalmaha waxbarashada ah)

la kulanka mustashaarka iskoolka, shaqada jimciyadda ardada oo uu ogyahay macalinka maadada mise maamulaha lagu xisaabi maayo maqnaanshaha.

Si firfircooni ah uga qayb qaado tacliinta iyo qiimeynta

  • Macalinku waa in uu leeyahay sal buuxa oo uu ku qiimeeynaayo aqoontaada oo uu natiija kugu siinaayo.

Raac xeerarka sharciyada iskoolka

  • Maqnaanshaha heerka sare iyo ku xad gudubka sharciga iskoolka waxaay keeni kartaa dhimidda natiijada mise natiijada dabeecadda.