- Waxaad xaq u leedahay in aad soo gashid mid ka mid ah saddexda barmaamij inta badan aad rabto
- Fasalada ugu dambeeya ee sannadka 100 waxaa laga yaaba inay qeyb ka tahay aasaaska go'aanka haddii lagu ogolaaday mudnaantaada koowaad.
Xeerarka qorista ardayga ee gobolka
Gobol kasta waxa uu leeyahay xeerar u gaar ah oo sheegaya iskuullada aad codsan kartid. Ogow xeerarka ka jira gobolkaaga. Caadi aahan xeerarka qorista ee gobolku waxay raacan mid ka mid ah saddexdan mabda:
- Waxaad codsan kartaa dhammaan iskuulada ka tirsan gobolka,ama
- Waxaad codsan kartaa iskuulada ku yaala qaybta aad degantahay ee gobolka (gobolka) ama
- Waa inaad codsatid iskuulka ugu dhaw halka aad ku nooshahay.
Gobolada halkaas oo aad ka dooran karto iskuulada kala duwan, fasalada sanadka 10 waxay qeyb ka noqon doontaa aasaaska go'aanka uu iskuulka ugu ogolaaday.