15 baraamijta waxbarashada waxaad kaheli kartaa fursado badan

5 barnaamijyada guud ee waxbarashada

Barashada waxbarashada guud waxaa logu talagalay ardayda rabta inaay sii wadaan waxbarashada si aay u noqdaan macalin, kalkaaliye caafimaad, kalkaaliye ama garyaqaan.

  • waxaa jiraan 5 baraamij oo aad midkooda doorani karto.
  • Mawaada waxbarashada guud waxaa kamid ah «maadooyiinka akhriska» sida Noorwiijiga, xisaabta, culuumta bulshada, taariikhda, cilmiga dabiiciga iyo luuqadaha ajnabiga.
  • Intas waxaa dheer madooyinka baaraamijkaaga waxbarashada sida muusikada, ciyaara heersaren naqshadaynta ama fiisigiska.
  • Markaad dhamamyso sadex sano oo aad baasto, waxaad ku guulaysanaysaa shahaadada gudbinta heer jaamacad.
  • waxaa laazim ah in aad sidatid ogolaanshaha guud ee jaamacadda hadii aad doonayso ogolaanshaha sare ee jaamacadda.
Illustrasjon av strukturkart studieforberedende

akhri baraamijta waxbarashada ee aad doorani kartid :

10 Barnaamijyada waxbarashada xirfadeed

Waxbarashada xirfadda waxaay khaas u tahay aradada raba xirfad dhab ah sida koronta yaqaanka, cunna kariska ama tima jaraha.

  • waxaa jiraan 10 baaraamij oo loogu talagalay baraamijka waxbarashada xirfadda oo aad doorani kartid.
  • Inta badan mawaada waxbarashada xirfadda waxaay qaadataa laba sana oo iskoolka ah iyo laba sana oo oo ganacsi ah
  • Tababarka aad ku qaadanayso shirkadaha waxaa la dhahaa Mudo tababar.Waxaa macquul ah in aad qaadatid mushahaar mudada aad kujirtid tababarka shirkadaha.
  • Markaad dhamamysid oo aad ku guulaysatid waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxaad helaysaa shahaadada aqoonta farsamo.
  • Shahaadada aqoonta farsamada waxaad yeeli kartaa in aad ku codsatid shaqo ama aad cilmi kororsi ka sii samaysid machad xirfadeedka sare.
  • waxaad xaq u leedahay inaad baratid barnaamijka dheeriga ah ee aqoonta waxbarashada guud (eeg qoraalka hoose).
Illustrasjon av strukturkart yrkesfaglig

Akhriso waxyaaba ku saabsan baraamijyada waxbarashada ee aad ka doorani kartid:

Barnaamij guud oo dheeraad ah oo ku saabsan aqbalka jaamacdda

miyaad u baahantahay aqbalka jaamacadda markaad dhamaysid waxbarashada xirfadda iyo tababarka?

  • Waxaad xaq u leedahay sanad ziyaada ah si aad u heshid aqbalka jaamacadda.
  • waxaad codsani kartaa baraamijka dheeraadka ah ee aqbalka guud ee jaamacadda 2 sana kadib maarkaad dhamaysid waaxbarashada xirfadda.
  • baraamijka dheeraadka ah ee aqbalka jaamacadda waa lagama maarmaan .
  • Markaad dhamaysid ood ku barmoostid barnaamijka, waxaad helaysaa aqbal heer jaamacadeed ama kolaaj .
Illustrasjon av strukturkart pabygging

aqoonta asaasiga ah

  • Aqoonta asaasiga ah waxaa u baahan ardayga dhamayn karin waxbarashada asbaaba awgeed.
  • Waxaad helaysaa shahaado cadaynayso in aad dhamaysay badh kamid ah waxbarashada.
  • Waad badali lartaa go'aankaada si aad u dhamaysid waxbarashada xirfadda si aad u heshid shahaadada xirfadda ama aqbal jaamacad.