Ka caawi dhalaanka da'da yar qaadashada mas'uuliyadda!

Maadaama aad waalid tahay adiga ayaa oogu haboon in aad kala talisid canugaada waxyaabaha ku saabsan ikhtiyaarka waxbarashada iyo shaqada . Waxaa laga yaabaa in aad sidatid khibrad dheeraad ah ood kaheshay shaqadaada iyo tacliintaada ood donayso in aad a qaybsato ilmahaada. Ma jiro qof kaa yaqanno awooda iyo firfircoonida canugaada. Laakiin uma doorani kartid caruurtaada.

Sidaani ayaad caruurtaada ugu noqon kartaa la-taliye wanaagsan

Si aad u noqotid la-taliye wanaagsan, waa in aad tiix galisaa ra'yiga caruurta ee ku saabsan waxbarashada iyo shaqada. Doorka la-taliya nimada, ka faa'idayso fikradahaani:

  • Dhagayso oo tiix gali ra'yiga caruurta .
  • Sii caruurta waqti aay ku fikiraan oo aay go'aan uga gaaraan fursado qaarkood.
  • U sheeg in aad tiix galinayso oo ra'yigiisa uu xor u yaho.
  • Ugu danbaysii filitaankaada khaaska ah.
  • Bilaaw wadahadalka waqti hore si uu ikhtiyaarka u sii karo.
  • haka baqanin in aad waydisid su'aalo hordhac ah laakiin dhagayso sababta ikhtiyaarka caruurta.
  • Go'aanka ugu danbaynta hanoqoto mid kasoo baxda qofka da'da yar.

Go'aanka ikhtiyaarka waxbarashada mustaqbalka waa muhiim. Walidiin iyo arday badan waxaay u arkaan arintaani mid adag- oo argagixisa dhalisa. waxaa laga yaabaa in raaxa loo arko in hadii ikhtiyaarki hore uu noqdo go'aan lagu qaldamay, waa macquul in la sameeyo .