5 barnaamijyada guud ee waxbarashada
Barashada waxbarashada guud waxaa logu talagalay ardayda rabta inaay sii wadaan waxbarashada si aay u noqdaan macalin, kalkaaliye caafimaad, kalkaaliye ama garyaqaan.
- waxaa jiraan 5 baraamij oo aad midkooda doorani karto.
- Mawaada waxbarashada guud waxaa kamid ah «maadooyiinka akhriska» sida Noorwiijiga, xisaabta, culuumta bulshada, taariikhda, cilmiga dabiiciga iyo luuqadaha ajnabiga.
- Intas waxaa dheer madooyinka baaraamijkaaga waxbarashada sida muusikada, ciyaara heersaren naqshadaynta ama fiisigiska.
- Markaad dhamamyso sadex sano oo aad baasto, waxaad ku guulaysanaysaa shahaadada gudbinta heer jaamacad.
- waxaa laazim ah in aad sidatid ogolaanshaha guud ee jaamacadda hadii aad doonayso ogolaanshaha sare ee jaamacadda.

akhri baraamijta waxbarashada ee aad doorani kartid :
- Ciyaaraha iyo waxbarashada jirdhiska
- Art, naqshadaynta iyo naqshada dhismaha
- Warbaahinta iyo isgaarsiinta
- Muusiga, raqsiga iyo jilidda
- Waxbarashada guud
10 Barnaamijyada waxbarashada xirfadeed
Waxbarashada xirfadda waxaay khaas u tahay aradada raba xirfad dhab ah sida koronta yaqaanka, cunna kariska ama tima jaraha.
- waxaa jiraan 10 baaraamij oo loogu talagalay baraamijka waxbarashada xirfadda oo aad doorani kartid.
- Inta badan mawaada waxbarashada xirfadda waxaay qaadataa laba sana oo iskoolka ah iyo laba sana oo oo ganacsi ah
- Tababarka aad ku qaadanayso shirkadaha waxaa la dhahaa Mudo tababar.Waxaa macquul ah in aad qaadatid mushahaar mudada aad kujirtid tababarka shirkadaha.
- Markaad dhamamysid oo aad ku guulaysatid waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxaad helaysaa shahaadada aqoonta farsamo.
- Shahaadada aqoonta farsamada waxaad yeeli kartaa in aad ku codsatid shaqo ama aad cilmi kororsi ka sii samaysid machad xirfadeedka sare.
- waxaad xaq u leedahay inaad baratid barnaamijka dheeriga ah ee aqoonta waxbarashada guud (eeg qoraalka hoose).

Akhriso waxyaaba ku saabsan baraamijyada waxbarashada ee aad ka doorani kartid:
- Dhismaha iyo Dhismooyinka
- Korantada iyo electarooniga
- Timo hagaajinta, ubaxyada, fadhiyada iyo naqshadeynta dukaamada
- Naqshadeynta, farsameynta iyo horimarinta agabyada
- Daryeelka caafimaadka, caruurnimada iyo hormarka dhalinyarada
- Wax soosaarka muuqaalada iyo maqalka iyo macluumaadka teknoolajiyada
- Isticmaalka deegaanka (Isticmaalka deegaanka)
- Maqaayada iyo sameynta cuntada
- Wax gadida adeegyada iyo dalxiiska
- Wax soosaarka warshadaha iyo teknoolajiyada
Barnaamij guud oo dheeraad ah oo ku saabsan aqbalka jaamacdda
miyaad u baahantahay aqbalka jaamacadda markaad dhamaysid waxbarashada xirfadda iyo tababarka?
- Waxaad xaq u leedahay sanad ziyaada ah si aad u heshid aqbalka jaamacadda.
- waxaad codsani kartaa baraamijka dheeraadka ah ee aqbalka guud ee jaamacadda 2 sana kadib maarkaad dhamaysid waaxbarashada xirfadda.
- baraamijka dheeraadka ah ee aqbalka jaamacadda waa lagama maarmaan .
- Markaad dhamaysid ood ku barmoostid barnaamijka, waxaad helaysaa aqbal heer jaamacadeed ama kolaaj .

aqoonta asaasiga ah
- Aqoonta asaasiga ah waxaa u baahan ardayga dhamayn karin waxbarashada asbaaba awgeed.
- Waxaad helaysaa shahaado cadaynayso in aad dhamaysay badh kamid ah waxbarashada.
- Waad badali lartaa go'aankaada si aad u dhamaysid waxbarashada xirfadda si aad u heshid shahaadada xirfadda ama aqbal jaamacad.