Ogolaanshaha tacliinta sare
Caddeynta ogolaanshaha jaamicadda guud waxaad codsan kartaa waxbarashada kulliyadaha jaamicadda iyo jaamicaddaha. Si kastaba ha ahaatee, qaar kamid ah waxbarashada ogolaanshahoodu waxay leeyihiin shuruudo khaas ah:
- Tijaabada ogolaanshaha: Qaar kamid ah waxbarashada waxay kaaga baahan yihiin tijaabo baraaktiko ah in aad hesho ogolaanshahat.tusaale ahaan waxbarashada qaarkood waa hal abuurid ama waxbarashada ciyaaraha.
- Shuruudaha sayniska: Waxbarashada qaarkood ayaa leh shuruud ah inaad haysato maadooyin saynis ah. Tusaale ahaan barashada injineeriyadda, sayniska iyo barashada caafimaadka. Waxaad ka heli doontaa shuruudaha ogolaanshaha kuliyaddaha jaamicadda iyo jaamicaddaha baraha internaytkat samordnaopptak.no. Barnaamijka waxbarasho qaarkood way adkaan kartaa in la helo qol ama jadwal lagu doorto dhammaan saynisyada aad u baahan tahay. Haddii aad qaadanayso takhasuska barashada guud oo leh sayniska dabiiciga ah ama xisaab ah Vg2 iyo Vg3 waxaad isu taagi jaaniska ugu fiican ee ah inaad awoodi doonto qaadashada saynisyada aad u baahan tahay.