Markaad dhammaysid waxbarashada10-ka sana ee laazimka ah, waxaad xaq u leedahay in aad qaadatid waxbarashada dugsiga sare iyo tababarka.

  • Waa inaad shqsi ahaan u codsataa booska waxbarashada dugsiga sare iyo tababarka.
  • Codsigu waxaad qoraysaa sadex baraamij oo waxbarasha ah .
  • Waxaa laguu aqbali sadaxda baraamij aad jeceshahay inta badan.

Waa kee baraamijka waxbarasha ee aad dooranayso?

15 baraamij midkooda ayaad ka doorani kartaa dugsiga sare. Barnaamijyada waxbarashada ayaa ka kooban baraamij ay ka mid yihiin ciyaaraha iyo jirdhiska, cilmiga korontada iyo beeraha, kalluumeysiga iyo kaymaha. Waxaa loo baahanyahay in aad heshid barnaamijka waxbarasha ee xiiseynayso.

Waxbarashada guud mise waxbarashada xirfadda?
Waxeynu kala sooci farqiga u dhaxeeyo waxbarshada guud iyo waxbarshada xirfadda.

  • Miyaay kuu muuqataa adiga oo ka akhrisanayso kolaaj mise jaamacad mawaad farabadan? Waxbarashada guud waxaay kuu diyaarinaysaa waxbarashada dugsiga sare. Waxaa jiraan 5 baraamij oo waxbarashada guud kamid ah.
  • Ma rabtaa waxbarasho xirfaded oo camali ah kadib markaad dhamayso waxbarashada dugsiga sare? Waxbarashada xirfaded waxaad ka helaysaa shahaado kuu suura galinayso shaqo. Waxaa jiraan 10 baraamij xirfaded.
  • Haddii aad dooratid waxbarashada xirfadda, waxaad fursad u heli kartaa in aad baratid waxbarasha kale oo ziyaada ah oo aad ku guulaysatid helitaanka shahaadada aqbalka jaamacadda markaad dhamaysid oo aad ka barmoostid waxbarshada xirfadda iyo tababarka.

Miyaadan hubin waxa aad doonaysid in aad doorato?

  • Kala hadal mustashaarka waxbarashada iyo xirfadda iskoolkaada arinta ku saabsan barnaamijka kuu qalmo.
  • Waxaa jiraan musaacadooyin badan ood ka heli kartid barta intarnetka. Maxaadan iskuugu dayaayin su'aalaha kadiska ah “Maxaa laga yaabaa in uu kuu qalmo?”; su'aalaha waxaad ka helo kartaa safxada hore ee vilbli.no. Waxaa laga yaabaa in aad ka heshid tilmaam ku saabsan baarnaamijka aad bilaabi kartid kadib markaad imtixaan iska qaadid .