Luuqadda barista ee dadka aay ku yartahay aqoonta luuqadda

Ardada ku hadla af-kale oo hooyo, waxaa ku adkaani kartaa waxbarashada oo isla markaasina aay heer ka gaaraan af Norwiijiga. Aqoontaada luuqadda Noorwiijiga hadii aay liiidato, waxaad xaq u leedahay in si khaas ah laguu baro luuqadda ( barsha luuqad oo la xoojiyay)

Oogu horaan, luuqadda khaaska ahi waxaay khuseysaa

  • waxbarasho khaas ah oo afka Noorwiijiga ah (af Noorwiiji la xoojiyay),
    laakin waxaa kale oo laguu bandhigi karaa
  • waxbarashada afka hooyo(waxbarashada afkaaga hooyo),
  • baridda maadada labada luuqadood (luuqaddaada oo lagugu baraayo mawaadda kale).

Iskoolku waa in uu qeexo baahidaada

  • Iskoolka ayaa laga rabaa in uu qeexo aqoontaada afka Npprwiijiga ka hor inta aanan la gaarin go'aan ku saabsan in lagu geeyo waxbarshada khaaska ahi.
  • TSidooklae iskoolka ayaa qeexaya aqoontaada afka Noorwiiijiga mudada aad waxbarashada kujirtid si go'aan looga gaaro xilliga laguu baddali karo waxbarashada nidaamiga ahi.

Xaqa aad u leedahay barashada khaaska ee luuqadda waa aay sii soconi ilaa aad heer fiican ood la qabsani kartid daraasada nidaamiga ahi aad ka gaarayso.

Waxbarasho khaas ah oo afka Noorwiijiga

Hadii aad u baahantahay af Noorwiiji la xoojiyay, saddex khiyaarood ayaa jiraan:

1. Ardayda aay ku yartahay aoonta afka Noorwiijiga, waa aay la soconi karaan maadada manhajka ahi ee asaasiga afka Noorwiijiga

  • Manhajkani kuma xidhna da’daada, laakiin wuxu ku xidhanyahay heerkaaga
  • Dhibco kuma helaysid maadada af-noorweyjiga haddii aad raacdid manhajkan .
  • Manhajkan ayaad la soconaysaa ilaa inta aad u gudbi kartid manhajka caadiga ah ee af-noorweyjiga.

2.Waxa aad raaci kartaa manhajka af-noorweyjiga ee loogu talogalay ardayda muddo kooban joogtay Noorway

  • Muddo kooban waxa looga jeedaa wakhti ka yar lix sanno.
  • Manhajkan waxa laga isticmaali karaa dhamaan fasallada sadexda ah.
  • Waxaa lagu siini natiijada shahaadadda imtixaanka gabagabada ee sita manhajkaani .

3. . Waxa aad raaci kartaa manhajka caadiga ah ee af-noorweyjiga oo wax laga beddelay (laguu sahlay adiga)

Marka aad heer ka gaartid barashada af-noorwiijiga la xoojiyey, waxa lagaa fasaxayaa barashada far-qoraalka labaad ee af-noorweyjiga.

Barashada afka-hooyo

Waxaa kale oo laguu suura galin karaa in aad af-kaada hooyo ku xoojisid tayada luuqaddaada

  • Maadada manhajka ah ee barashada afka-hooyo ee loogu talagalay ardada aay luuqoddooda hoosayso waxa aay kaa qaadanaysaa mustawa ee da' kaa qaadani mayso marka aay bilaawga taho.
  • Barashada luuqadda hooyo waxaay ka dhigantahay in aad hormarisid aqoontaada qoraalka iyo akhriska ee afkaada hooyo si afkaada hooyo uu kuu taagero marka aad baranaysid afka Noorwiijiga .
  • Iskook kale ayaad kusoo barani kartaa aqoontaani.*

Baridda labada af

Waxaa kale oo laguu suura galin karaa barista maadada labada af

  • Barista maadada (sida aqoonta bulshada mise culuumta dhabiiciga ahi) waxaad ku baranaysaa afkaada hooyo iyo af-noorwiiji.
  • Taani waxaay kuu suurta galini in aad heshid sharraxaad luuqadda kuu fudud.
  • Mawaadda dhan ayaa lagu barani karaa labada af.
  • Iskoolkaada ayaa kuu suura galini waxbarashadaani.*

* Hadii aay san jirin maclimiin ku bara afkaaga hooyo mise macalin labada af iisu aqoon, waxaa lagu siin waxbarasha kale oo aad la qabsani kartid.