Si aad u noqotid la-taliye wanaagsan, waxaa muhiim ah in adiga qudhhada aqoon u leedahay nidaamyada dugsiyada iyo ikhtiyaaraatka tacliinta.Siyaaba badan ayaad kuheli kartaa macluumaad sax ah:
  • Dugsiyada hoose ee waxbarashada sare waxaay qabtaan kulanyo ku saabsan waxbarasho iyo ikhtiyaarka shaqada, ardaduna macluumaadka ayaay guriga keenaan.
  • Inta badan waxaa la diyaariyaa kulamo xog ogaaysiis ah oo loo sameeyo waalidiinta/masuulka.
  • Waad imaani kartaa «maalmaha furan» dugsiyada sare mise waxaad booqani kartaa bandhigyada waxbarashe iyo shaqo.
  • Intaasi waxaa dheer, waxaad codsani kartaa wada hadal khaas ah in aad layeelatid mustashaarka waxbarashada io shaqada si aad ooga wada hadashaan khiyaaraatka kala duwan ee waxbarashada.
  • waxaad ka heli kartaa macluumaad kooban oo ku saabsan waxbarashada dugsiga sare iyo tababarka vilbli.no.