Dhaqaalaha – yaa bixinaya waxbarashada dugsiga sare iyo tababarka ?

Waxbarashada iyo tababarada dugsiyada sare ee dowladda waa bilaash. Ardada dhigta dugsiyada sare ee khusuusiga ah waa in aay bixiyaan lacag.

Ardadu waxaay ku wada dhaqmaayaan xeerarkani soo socda:

  • Waxbaridda qalabka dijitaalka iyo daabacadda waa bilaash dhamaan dugsiyada sare ee dadweynaha iyo midka gaarka loo leeyahay.
  • Iskoolka hadii uu go'aamiyo waxbariddiisa in aad sidatid laba koombiyuutar oo aad ku kala isticmaashid guriga iyo iskoolka, waxaa wajib ku ah in uu kuu ibiyo laabtoob . Dhamaadka sanadki iskoolka gharaama ayuu kugu soo dallaci karaa.

Hoos waxaa ku xusan ood akhrisani kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan deeqaha kala duwan iyo qorshaha taakuleynta. Fadhlan xasuusnaaw in dhamaan qadarka lacagta aay saxiix tahay oo loogu talagalay sanadaha 2022–2023.

Deeqaha qalabka

dhamaan ardada xaq u leh in aay wax ku qaataan da'dooda yar waxaa laga siinaya amaah sanduuqa amaahda.

  • Amaahdu ardada dhan ayaay u simantahay hataa haadii waalidiintooda aay taajir yihiin.
  • Ardayga kolkuu codsado deeqda qalabka, sanduuqa amaaha waxaa uu eegaya in uu xaq u leeyahay in lasiiyo amaah.
  • Badnaanta ama yaraanta deeqda waxaay ku xirantahay barnaamijka tacliimiga ee uu qofka baranaayo, min NOK 1,118 ilaa NOK 4,603.
  • barashada xirfadda, musharaxa tababarka iyo musharaxa tababarka shahaadada la siin maayo deeqda qalabka.

Deeqda guryaha

Hadii aay tahay lagama maarmaan in ardaygu uu kasoo dawaamo guriga, waxaa macquul ah in lasiiyo deeq gaaraysa ilaa iyo NOK 4,979 bilwalbo.Si aad u heshid deeqdaani, waxaa laazim ah in ardaygu uu buuxiyo mid kamid ah sharuudahaani:

  • In iskoolku uu ka fogyahay 40 km am kabadan guriga waalidiinta.
  • Sadex saac iyo kabadan in aay ku qaadanayso maalinwalbo safarka.
  • hadii aay jiraan asbaab gaar ah oo cadaynaaya in aadan ku noolaan karin xaafadda.

Dhaqaalahaani waxaa loogu talagale tababartayaasha, musharaxiinta tababarka iyo ardada musharaxa u ah tababarka nathariga ah laga bilaawo 2022–2023. Taani waxaay ka micnaysantahay in deeqda aay hoos usii dhici doonto hadii uu qofka qaato in ka badan NOK 15,723 dakhliga guud bil walbo.

Deeqda asaasiga ah

Deeqda asaasiga ah waa deeq loogu talagalay ardayda kasoo jeedo reera sabool ah. Kuwa qaato deeqda asaasiga ahi waxaay helayaan in kabadan NOK 3,489 bil walbo. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka akhrisan kartaa lanekassen.no.

Deeqyaha iyo hadiyadaha kale

ardayda,tababartayaasha iyo musharaxiinta tababarka ee dhigta dugsiyada sare waxay ka codsani karaan sanduuqa amaaha amaah iyo deeqya kale.Mowqaca www.lanekassen.no waxaa jiraa faahfaahin dheeraad. Waxaa kale oo suurgal ah in aad codsatid deeqya iyo hadiyo kale oo u gaar ah waxbarashada, tacliin kororsi, dhaqanka iyo cili-baarista sidookale gargaarka bulshada. Booqo www.legathandboken.no, mise weydii maktabadda ama dukaanka buugaagra "Legathåndboken" (Dadka Norwegiyaanka oo kaliya).