Wiilkaada ama gabadhaada waxaa kusoo foolleh kalaleexasho weyn - doorashada waxbarashada dugsiga sare. Inta badan waalidiinta waxaay u hanqal taagaan waxa aay carruurtooda noqoni doonaan - laakiin dhalaanku waa in fursad loo siiyaa dooqiisa si uu udoorto waxa uu xiisaynaayo! Maadaama aad waalid tahay, waxaa kugu haboon in aad nasiixo iyo wadahadal ujeedisid canugaada. Si aad u saacidid canugaada sida oogu haboon, waxaa kula gudboon inaad akhrisid macluumaadka ku saabsan waxbarashada dugsiga sare iyo tababarka.