Riyooyinkaaga mustaqbaled waa maxay? Maxaad doonaysaa inaad noqotid? Adiga ayaa lagaaga baahanyahay inaad dooratid qaabka aal oola tacaamulayso sanadaha aad dhiganayso dugsiga sare. Sidaas awgeed waxaa lagaaga baahanyahay inaad u kuura gashid tacliinta aad donayso iyo waxa aad umalaynayso inaad noqon kari karto mustaqbalka. waxaa lagama maarmaan ah inaad go'aan aad u madaxbanaan tahay iaad gaadho!
Kala hadal waalidiintaada iyo mustashaarkaada tacliinta iyo shaqada arimaha kusaabsan khiyaaraatka tacliinta kala duwan iyo khiyaaraatka shaqada.
Waxaa laga yaaba inay kugu haboon tahay?
IWaxaa lagama maarmaan ah inaad aqoon u leedahay naftaada xilliga aad dooranayso waxbarasho iyo shaqo. Marka oogu hore waa in aad ogaatid dhinacyada aad ku awood badantahay. Taasi waxaay ku siinaysaa kalsooni,waana muhiimada sameeynta dookha wanaagsan. Weydii naftaada:
- Waxaa aan ku fiicanahay?
- Waxaa aan xiiseeyo?
- Waxaa aan jacelahay inaan sameeyo?
- Waa aan ku riyoodo inaan sameeyo?
Awoodahaada, jajabnaantaada iyo xirfadahaada
Mudadi aaad iskoolka dhiganayse, waxaad kala hubsate mawaadda aad dhaqsi fahantid iyo kuwa aad ku dhibaatootid. Dhinacee baay kartidaada ujeedaa?
- Miyaad ku fiicantahay mawaada teoriga ah? Midee baad aad u jeceshahay, luuqadaha mise xisaabta?
- Miyaad leedahay jajabnaanta farshaxanka, Miyaad jeceshahay rasmiga iyo rinjiyenynta mise ku isticmaalka alaabta muusikada?
- Kartidaada miyaay tahay mid wax ku ool ah? Miyaad ku raaxaysataa karinta, tolidda ama najaarnimada, dayactirka ama hagaajinta matoorada?
- Ama miyaad ugu fiicantahay casharada waxbarashada jirdhiska?
Tayadaada
Tayadaadu waxaan oola jeednaa nooca qofka aad tihid. Taani waxaay lug kuleedahay doorashada shaqada aad mustaqblka qabani doontid.
- Ma tahay qof bulshaawi ahi? Ma jeceshahay in aad la noolaatid dad badan? Miyaay kuu fududahay in aad lahadashid dadka oo aad baratid dadkae, mise waxaad ku qanacsantahay in aad la noolaatid inyar oo saaxibahaada ka kooban?
- Miyaad doonaysaa in aad kaashato dadka kale, mise waxaad jeceshahay in aad arintaada adiga un xalisato?
- Miyaad ku fiicantahay maqalka ra'yiga dadka kale?
- Miyaad tahay qof la aamini karo?
- Ma jeceshahay in agagaarkaadu yahay nadiif, mise nadaafad darro yar aktaada waa caadi?
- Ma tahay qof hindise badan mise waxaad doorbiddaa in dadyawkale go'aamo gaaraan?
Markaad shaqo codsatid mustaqbalka, loo-shaqeeyahay waxaa uu ihtimaam saari tayadaada shakhsi ahaaned. Tusaale ahaan, inaad tahay qof aamin ah, inaad tahay maqane-jooge iyo inaad kaashani karto dadyawga kale oo si xor ah u shaqayn karo. Qaabka aad u shaqaynayso iyo dadyawga aad kaashani doonto waxaay muhiim u yihiin sida natiijada iskolka. Sidaa aawgeed, waa lagama maarmaan natiijo iyo dabeecad wanaagsan
Xiiseyntaada
Hadii aad ka shaqayso wax aad xiiseynayso, hawshaasi in aad ku guulaysanayso ayaa xaqiiq ah. Laakiin marwalbo kuma xisaabtami kartid in aad tahay qof nasiib leh maadaama aay calaaqo ka dhaxayso waxa aad xiiseynayso iyo aqoonta aad sidato. Hase yeeshee, waxa aad jeceshahay waxaad kaheli kartaa barnaamijyo waxbarasha oo kala duwan. Waxaa kale ood niyada ku haysaa in xiisuhu marwalbo isbedbadalo inta aad yartahay. Xiisooyin kale oo ziyaada ku ah kuwaadi hore ayaa soo bixi karaan.
Caafimaadkaaga
Waxaa laga yaabaa in aay muhiim tahay in aad u danaysid caafimaadkaada markaad dooranaysid waxbarasho iyo shaqo.
- Shaqooyin qaarkood waxaay u baahantahay xoog jirka oo aad u weyn.
- Xasaasiyaddu waxaay wax u dhimi kartaa ikhtiyaarkaada.
- Shaqooyin qaarkood waxaa si gaar ahaan loo baahani karaa aragtida mise maqalka.
Kuwaani waxaay kamid yihiin waxyaabaha loo baahanyahay inaad iskasoo eektid markaad dooranayso waxbarasho. Weydii Mustashaarka waxbarashada iyo shaqada hadii uu shaki kugu jiro.
Filashada dadka kale
Waxaa fikrad wanaagsan ah in aad waqti badan la qaadatid waalidiintaada so aad oogala hadashid dooqyaasha kala duwan. Daryeel talada ehelada iyo asxaabtaada.La tasho mustashaarka waxbarashada iyo shaqada iyo dadka aad ku kalsoontahay wixii talo ku saabsan.
Dhibaato malaha hadii aay waalidiintaada, walaahaa, eheladaada iyo asxaabtaada aay kuu doortaan waxa aad noqoni lahayd. Waalidiin badan/mas'uuliin ayaa u hanqal taagaan mustabalka caruurtooda. Laakiin go'aanka kama danbayska waa adiga! Ma aha inaad ogolaatid wax aad ku qanacsanayn, jadigoo tiix galinayso rabitaankooda.
Shaqooyinka iyo doorka labada jinsi
Nolosha shaqada waxaay u baahantahay kala duwanaasha! dan haka galin fikradaha oranaayaan shaqooyin qaarkood dumarka ayaay u khaas yihiin sidookale shaqooyin kalena ragga ayaay u khaas yihiin. Waxaa muhiim ah in aad dooratid waxbarasha adigoon ihtimaam siinaynin doorka dhaqanka ee labada jinsi. si fiican uga fikir waxa aad doonaysid!
Baar dhamaan fursooyinkaada
Waxaan shaki kujirin inaad ogaatay shaqooyin kala duwan, sidaas awgeed waxaa laga yaabaa in aad ogaatay shaqada ku anfacayso. Laakiin miyaad hubtaa in aad si fiican u dulmartay? Waxbarashada xirfadda iyo tababarka kalito waxaa jiraan in kabadan 200 oo jaamacad oo waxbarasha xirfad oo kala duwan, sidaas awged jaamacadaha twaxaay bixiyaan takhasusya kala duwan .
- Hadii aad jeceshahay xawaaraha iyo reyn reyn ama aad malaynayso in boolisnimada, dab-demiye ama duuliye kuu qalanto? Markaasi waa in aad isku tijaabisaa shaqooyin sida shaqaale ambalaas, waardiye ama hogaamiyaha gacanta duulimaadka?
- Haddii aad tiixgalisid in aad ka shaqayso waaxda caafimaadka sida dhakhtar ama kalkaaliso ? Waxaa kale ood eegi kartaa shaqooyinka kale sida habaynta isbataalka mise daaweeyaha?
Noqo mid dabacsan marka aad xulanayso dooqaada.Waxaa xaqiiq ah in aad ogaani doonto in aay jireen fursado kale oo ka duwan sida aad u haysate.